Faahfaahinta Qaraxyo lagu dilay askar Kenyan ah

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya Qarax xooggan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya kuwaa soo maraayay duleedka Magaalada Gaarissa.

Qaraxan ayaa noociisa waxaa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso waxa uuna ka dhacay degaan lagu magacaabo Kulan dam oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaarissa.

Inta la xaqiijiyay Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Qaraxaasi ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale.

Todobaadkan Gudahiisa waa qaraxii labaad oo ka dhaca gudaha kenya sidoo kale waxaa jiray weeraro ay ka geysanayeen Shabaab Gobolada waqooyi bari ee kenya.

Alshabaab ayaa la sheegay maalmahii lasoo dhaafay in lagu arkaayay degaano hoos taga magaalada Garisa ayagoona damacsan Bisha Ramadaan inay weeraro ka fuliyaan degaano ku dhow dhow Garisa iyo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.