Faah-faahinta Qarax lala eegtay Ciidamada Kenya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidan ka tiran Booliska Kenya shalay gelinkii dambe lagula eegtay deegaanka Lafey oo hoosyimaada degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qarax Miino uu tuulada Sheekh Barow ku qabsaday mid ka mid ah gaadiid kolonyo ahaa oo ay wateen ciidanka Kenya, halkaasina uu ku burburay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka.

Shabaab oo warkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen ka sokow burburka gaariga inaanay xaqiijin Karin khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

 Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Qaraxaasi ciidamada aysan ka soo gaarin dhimasho, laakiin ay jiraan dhaawacyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ciidan gurmad ah ay soo gaareen, kuwaasi oo bilaabay ka daba tagga ragga weerarkan soo maleegay.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada dhabagalka ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku socdaala magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.