Faah faahin Ka Soo Baxaya Duqeyn Ka Dhacday G/ Bari

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaarado dagaal xalay Saqdii dhaxe ay ka fuliyeen duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa la sheegay in ay ka dhacday Tuulada Dhaadaar oo hoostimaada degmadaasi.

Waxaana la sheegay in duqeyntaasi lala beegdsaday xubno ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan deegaanada maamulka Puntland.

Illaa iyo had ama cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, mana jirto cid sheegatay masuuuliyadda weerarkaasi.

Sidoo kale weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan duqeyntaasi.

Balse had iyo jeer iyo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.