Faah-faahin: Dagaalo dhex maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalo u dhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya, iyadoo mar kale dib u soo cusboonaaday rabshadaha labada dhinac u dhaxeeya.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa u dhaxeeya muran dhanka sohdinta labada qowmiyadood ay deegaan, gaar ahaan deegaanada ismaamulka labada dhinac.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dad ka badan 100 ruux ay ka soo xireen deegaanada Oromada degto.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Oromada ayaa bishii April ee sanadkan gaaray heshiis lagu soo afjaro colaada u dhaxeysa labada dhinac.

Dagaalada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa bishii September ee sanadkan ku barakacay tobanaan kun oo ruux, kaddib markii dagaalada ay ku sii fideen deegaano hor leh.

Dowladda Itoobiya ayaa horay ciidamo Milateri u geystay deegaanada lagu muransan yahay ee xadka labada dhinac, si ay u kala dhex galaan, hase ahaatee illaa iyo hada waxaa socda dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.