Erdogan oo ku baaqay in la caawiyo abaaraha ku dhuftay geeska Africa

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka dhawr jeer ku baaqay in uu ka qayb qaadanaya ololaha hay’adda bisha case e Turkiga uga sama falayso abaarta iyo gaajada ku dhufatay gobalka geeska Africa.

Hay’adda socdaalka adduunka ‘IOM’ ayaa salaasadii la soo dhaafay ku baaqday in la qaado talaabo deg-deg ah oo lagu caawinayo 20 milyan oo ruux oo baahi ku wajahaysa dalalka K/Suudan, Soomaaliya, Yeman iyo W/Nigeria. Abaarta sidoo kale Kenya-na way ku dhufatay.

“Anaga indhaha kama laaban karno codsiyada ka imaanaya dalalkan oo ka jira gaajo ka dhalatay abaaraha, heer aad u khatar ahna gaartay,”sidaas ayuu Erdogan qoray. “ Turkida waxa ay bilowday olole gar-gaar lagu gaarsiinayo dadka ku nool beriga Africa iyo Yeman kuwaa oo u baahan kaalmadeena deg-degga”.

Soomaaliya ayaa u xasuusato doorkii Turkida ay ka qaateen gurmadkii abaaraha ka jiray Soomaaliya sannadkii 2011 kolkaas Soomaaliya ka jirtay xaalado beni’aadinimo oo aad u daran, Soomaliya ayaa sidoo kale Turkida la ah saaxiib dhaw oo arrimo badan wadaagaya

Xigasho: Sonna