Eey cunay gaari qaali ah (sawiro)

Wargays kasoo baxa Dalka UK ayaa ka sheekeeyay xaalad kala qabsatay Ey iyo ninkii gurigiisa uu ku noolaa kadib markii Eygu cunay gaari qaali ah oo qiimihiisu sareeyo

Royston Grimstead oo ah milkiilaha gaariga uu cunay Eeyga ayaa sheegay in uu arkay Eeyga oo kunoolaa Gurigiisa oo afkiisa waxyaabo cad cad ku yaalaan markii uu dib usii fiiriyayna uu arkay gaarigiisa oo eeygu ka cunay qeybta kasareysa taayarka.

Ninkan ayaa tilmaamy xiliga uu dhacdadan la kulmayay ay aheed xili uu shaqo kasoo laabtay waxa uuna tilmaamay in Eeyga oo si xun ilkihiisa ugu gooyay qeybo kamid ah Gaarigiisa qaaliga uuna quruxdii ka qaaday.

” Markii aan arkay Eeyga qasaaraha uu gaarigeyga u geestay waana yaabay , hadana waan qoslay waayo wax kale oon sameyn karo ayaan jirin ” ayuu yiri Royston Grimstead oo ah milkiilaha Gaariga uu eeygu cunay.

Royston Grimstead ayaa sheegay in uu gabi ahaan iska eryya Eeygii qasaaraha u geestay ee ka cunay Gaarigiisa , waxa uuna tilmaamay in hada gaarigiisa dib loogu hagaajiyay lacag gaareysa Sadax kun oo lacagtta Ingiriiska , waxaana lacagtaasi ay bixisay Shirkada uu ceymiska ugu jiray.

Halkaan hoose ka eeg sawirada.