Duufaano qasaaro xoogan gaystay oo ku dhufatay jasiiradda ugu wayn badwaynta hindiya (sawiro)

Duufaano xoogan oo watay dabeylo xawaare dheer ku socda iyo roobab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka dhacayeen qeybo ka mid ah Jasiirada ugu weyn badweynta India ee Madagaskar.

 

Caasimadda dalkaas ee Antananarivo waxaa duufaantu saameysey dad ka badan 32,000 oo qof, waxaana duufaantan ay dumisay kumanaan guri, iyadoo saameynta ugu xoogan ku yeelatay dhinaca Waqooyi Bari ee Madagaskar

 

Ugu yaraan 38 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashadooda halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 180 qof kuwaasoo la dhigay isbitaalada.

 

Qiyaastii dad gaaraya 53,000 ayaa ku khasbanaadey inay isaga baxaan guryahoodii, sida ay sheegtey hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaas.

Sidoo kale waxaa jira dadaalo ay samaynayaan hay’adaha caalamiga ah ee sida gaarka ah ula socda xaaladaha duufaantaas ku dhufatay jasiiradaas.

 

© Goobsan media