Dumarku rag caynkee ah ayey jecelyihiin ama ay necebyihiin inay nolosha la wadaagaan?

Nolosha kama marna jaceyl iyo naceeb, ruux jecell ma jiro in la naco ama la dhibsado balsa sifooyin badan ayaa jiro ay kuugu nici karto gabar ama xaas aad qabto, ama ay kugu jeclaan karto sifooyinka qaar waxay soo if baxaan xiliyada aad ku jirto shukaansiga kawana markii uu guurka dhaco, hadaba Goobsan.com waxay idiin soo gudbin doontaa sifaadkaas qaar ay dumarka ku nacaan wiilasha ama raga iyaga qaba, ama ay ku jeclaadaan waxaan ku hor maraynaa midda keenta sifada nacaybka.
1. Ninka naagta u xisaabiya wax kasta
Xisaab la aan ruux iska socda ma jiro, nolosha dhan ayaa ah is wada xisaabin iyo is waydiin wixii qabsoomay iyo sidii lagu gaari lahaa waxa harsan, ma jiro nin jecel in lacagtiisa ay noqoto mid iska socoto, qofkasta wuxuu doonaya in uu ogaal u leeyahay lacagta halka ay ku baxeeso iyo sababta ay u baxeeso iyo waxa lagu qabanayo muhiimada ay leedahay, balsa waxaa jiro rag aad u gacan adag wax kasta awooda laakiin aan ka dayn xaaskiisa xisaab isaga oo qalin iyo warqad la daba joogo wax kasta oo baxay suaalo ka daba keena iyo in uu uu xadidio waxa ku baxaya guriga isaga oo og in intaas kabadan la iska rabo, ragga nuucaan oo kale waa kuwa inta badan ku dayaca dumarka nolosha xitaa aan u quurin in ay u iibiyaan dhar qurxoon ay xirtaan.
2. Cuqdad iyo muran badan
Dumarka ma jeclo ninka cuqdada badan oo wax kasta laabta ku save gareesta kadibna la bukooda cuqdad sidoo kale dumarka ma jeclo ninka muranka badan wax kasta ka keena dood isaga oo fura kumanaan qodob aan meesha oolin marmarka qaarna sixun ufikira.
3. Ninka hasaawaha badan (Gabar kasta afka la gala)
Dabeecadaha ugaarka ah ee dumarka waxaa kamid ah in ruuxa ay jecel yihiin uu kali u ahaado ama aan lala wadaagin waana dabeecad uu Alllah ku beeray midaasi waxaa barbar soocto ragga iyagane damac badnida leh, ma jeclo dumarka in ay arkaan ragooda oo la haasaawa ama kuluma la qaata qof kale uu dumar, waxaana ka dhalan kara neceeb.
* Sifaadka keena jacaylka ama kalsoonida lamaanaha kor u qaada
  1. Gabdhuhu waxay jecelyihiin Ninka mar walba si hoose uga xog bixiya arimahiisa gaarka asagoo waqti badan ku bixinaya la sheekeysiga qofta uu jecelyahay ama xaaskiisa taasoo wada tashi ku dhisan waana mida keenta is fahanka koowaad ee qoyska.
  2. Dumarku waxay aad u xiiseeyaan raga naxariista badan, hadalada jilicsan kula hadla kana caawiya wax walba oo karaankiisa ah haddi ay ahaan lahayd howl la wadaago ama garab gaar ahaaneed.
  3. gabar walba way jeceshahay inay nolosha la wadaagto ninka ku sifoobay daacadnimada, diin ku dhaqanka,dad jacaylka,haybad, iyo waliba inuu bulshada ka tilmaamanyahay
  4. Haweenku way ku dhiiradaan inay si howl karnimo iyo hagar la’aan ah ula shaqeeyaan ninka jecel caruurtiisa caawiyana mar walba kuna sifeysan dhaqanki aabe looga baahnaa, ninkasoo aanan marnaba iska badalin dabcigii ay horay uga baratay xaasksa inuu kasii wanaagsanado maahane.
  5. Ugu dambayn gabar walba waxay jeceshahay inay xariir la samayso ama ay nolosha u hibeyso ninka ugu quruxda badan, ugu hantida badan, ugu sharafta badan, ugu xarakada badan, ugu soo jiidashada badan.

    @ Diyaarinti mohamed jeesto

  6.