Dr. Dufle oo ka hadlay xaalada abaaraha xoogan iyo cudurada ka dhalan kara

Iyadoo Soomaaliya guud ahaan ay ka jiraan abaaro daran oo saameeyey dad iyo duunyo badan ayaa Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle) oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxaa faahfaahin ka bixiyey khatarta ay leeyihiin cudurada ka dhasha abaaraha iyo nafaqa darada.

Dr. Dufle oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay iney jiraan cuduro badan oo ka dhasha xaaladaha abaaraha, kuwaasoo uu xusay inuu ugu horeeyo cudurka shuban biyoodka ama Daacuunka (Cholera).

“Cudurkan shuban biyoodka waxa uu fara kulul ku hayaa dadka abaaruhu ku sameeyeen illaa 11 gobol oo ay hoos tagaan 43 degmo, wuxuuna labadii bilood ee u dambeysay haleelay dad gaaraya 7,731 qof, waxaana u dhintay illaa hadda 183 qof sida lagu xusay warbixin ay soo saareen, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaarada Caafimaadka, waana xaalad aad u daran” ayuu yiri Dr. Dufle.

Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in maadaama macluusha iyo abaartu ay ka jirto dalka oo dhan in cudurkan uu saameeyey dhamaan qeybaha bulshada, uusana jirin dad gaar ah oo uu ku badan yahay, isagoo xusay iney ugu sii daran yihiin caruurta da’doodu ka hooseyso shanta sano, dadka da’da ah oo rag iyo dumarba leh iyo haweenka uurka leh.

“Cudurada kale ee laga soo sheegayo gobolada ay abaaruhu ku dhufteen waxaa ka mid ah cudurka Qaarjeexa oo caruurta u badan, waxaa sidoo kale meelaha qaar laga soo sheegayaa cudurka Jadeecada oo caruur badan dhimasho u geystay, waxaana taagan runtii wax aad looga naxo iyo xaalad bani’aadamnimo oo u baahan wax ka qabasho deg deg ah” ayuu sidoo kale yiri Prof. Dufle oo saxaafada gudaha iyo dibeda qaarkood kula hadlay Muqdisho.

Mar uu ka hadlayey cudurada iyo abaaraha hadda taagan waxyaabaha ay kaga duwan yihiin kuwii dalka ka jiray sanadihii la soo dhaafay ayuu Prof. Dufle xusay iney uga duwan yihiin arrimo ay ka mid yihiin daacuunka ama shuban biyoodka hadda jira oo ka xoog badan kuwii hore iyo abaarta hadda taagan oo uu sheegay inay wada saameysay dalka oo dhan, halka sanadihii hore laga soo sheegi jiray gobolada qaar, ayna u gurmad jireen gobolada kale iyo dowlada dhexe.

Dr. Dufle oo sidoo kale ka waramayey waxyaabaha illaa hadda laga qabtay cuduradan ayuu sheegay iney jiraan dedaalo badan oo ay wadaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo ururka Caafimaadka WHO si loola tacaalo cuduradan balse waxa uu ku sifeeyey dedaalada socda kuwo aad u yar marka la eego baaxadda masiibada taagan.

“Ugu dambeyn waxaan ku celinayaa baaqii madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in heyadda samafalka, kuwa Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee la ildaran abaaraha dalka ka taagan si loo badbaadiyo dadka dhimashada qarka u saaran, waxaana ILAAHAY ka baryeynaa inuu shacabkeena ka dulqaado abaaraha iyo cudurada ku habsaday” ayuu hadalkiisa ku soo gebageebeyey Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle).