Dowllada Mareekanka oo ka warbixisay Soomaalidii laga soo dajiyay Muqdisho

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Soomaali shalay laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho , kuwaa soo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadkaasi ay ahaayeen kuwo si sharci daro ah ku joogay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay muhiim tahay in dalka Mareykanka laga saaro dadka aan haysan Sharciyadda deganaanshaha Mareykanka.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay ICE ayaa lagu sheegay in hay’addoodu ay Maraykanka ka saartay toddoba qof oo u dhashay dalka Kenya iyo 67 qof oo u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo haystay go’aankii kama dambaysta ahaa ee dalka looga saari lahaa.

Qoraalka ICE ayaa lagu sheegay in hay’addoodu ay bartilmaameedsato dadka aan sida sharciga ah ku joogin dalka Maraykanka iyo kuwa halista ku ah amniga Qaranka, Xasiloonida Guud iyo Ammaanka xuduudaha Maraykanka.

ICE ayaa sheegtay inay bartilmaameedsanayaan dhammaan dadka ku xadgudbay shuruucda socdaalka Maraykanka, iyaga oo xidhaya, haddii amar lagu bixiyo in dalka laga saarana ay fududaynayaan sidii dalalkooda loogu celin lahaa.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in 67 qof ee Soomaalida ah, markii ay gaareen magaalada Nairobi in looga sii duuliyey Muqdisho, halkaas oo masuuliyiinta Soomaaliduna ay xaqiijiyeen inay gaareen Muqdisho.