Dowladda Turkiga oo iska eriday safiirki dalka Holland iyo xiriirka labada dal oo aad usii xumaanaya.

Ra`iisal wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in ay dalka ka eryeen safiirkii Holland u fadhiyay Turkiga eyna gebi ahaanba u jareen xiriirka xukuumadda ka talisa dalka Holland.
Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in ay hawadeeda u ogolaan doonin duulimaadyada diblomaasiyiinta kasoo jeeda dalkaasi Holland ilaa inta ay xukuumadda Amsterdam ka qiraneyso khaladka ay ka gashay dadka iyo dalka Turkiga ayna raalligelin ka bixineyso.

Xukuumadda Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah qaadatay go`aankaasi kaddib markii maalmihii u dambeeyay uu aad usii xumaanayay xiriirka labada dal ee Holland iyo Turkiga.

Ismaandhaafkan diblomaasi ayaa dhashay kaddib markii maalmo ka hor loo diiday in ay dalka Holland cago-dhigato diyaarad sidday wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlüt Çavusoglu kaas oo olole siyaasadeed waday, khudbadna u jeedin rabay muwaadiniin turkish ah oo ku dhaqan dalka Holland.

Sidoo kale isla habeenkii masuulkan loo diiday in uu dalka soo galo waxaa iyana safar dalka Holland ku sugnaa wasiiradda arrimaha qoyska ee dalka Turkiga Fatma Betül Sayan Kaya taas oo marki dambe la geeyey xadka dalka holland uu la leeyahay wadanka Germany

 

Waxii intaas ka dambeeyay waxaa jiray xaalad kacsanaan ah oo u dhaxaysa labadaas dal