Dowladda Soomaaliya oo tilaabo horay ugu qaadaysa lasoo wareegida Maamulka Hawada (Sawiro)

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagay magaalada Montreal ee dalka Canada.

Sidoo kale Wafdigan waxaa qayb ka ah Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Jaalle).

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa sidii ay u dedejin lahayd lasoo wareegida maamulka Hawadeeda ayadoona laga dareemayo in ay Masuuliyiinta Soomaaliyeed ku bixinayaan dadaal dheeri ah sidii Dowladda Soomaaliya loogu soo gacan galin lahaa maamulka Hawada.

Hey’adda ICAO oo hoos-tagta Qaramada Midoobey ayaa muddo 20-sano ka badan gacanta ku heysa Maamulka Hawada Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladda dhexe.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Jaalle) ayaa magaalada Montreal Real kula kulmay Mas’uuliyiinta sare ee Hey’adda ICAO oo ay hogaamineysay Xoghayaha Guud ee ICAO Dr. Fang Liu.

Shirkan ayaa looga hadlayay dib u soo celinta Maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo labada dhinac isku afgartay in Guddi Farsamo oo labada dhinac loo saaro, kuwaasoo ka shaqeynaya sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa maamulka hawada.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in kulankan uu si wanaagsan ku soo dhamaaday, isla markaana la isku afgartay wixii hada ka dambeeya la soo afjaro in Hawada Soomaaliya banaanka laga maamulo.

“Waxaa ka wada hadlay sidii loo maareyn lahaa wareejinta maamulka hawada Soomaaliya, iyo in gudaha dalka laga maamulo, shirka si wanaagsan ayuu noogu soo dhamaaday, waxyaabaha dhiman waa ka wada xaajooneynaa, guddi farsamo oo labada dhinac ah ayaa loo saaray oo arrintan ka shaqeynaya”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shir farsamo looga hadlayo arrintan uu labo todobaad gudahood uu ka dhici doono magaalada Rome, isagoo xusay inay doonayaan in sida ugu dhow Maamulka Hawada loogu soo wareejiyo Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha daahiyay in Soomaaliya la wareegto maamulka Hawada ayuu ku macneeyay inay sabab u tahay is bedelada ku imanayay dowladdihii dalka soo marayay, waxaana uu xusay inay ka faa’ideysan doonaan casharadii laga bartay arrimahaas, si deg deg ah hawada in laga maamulo Soomaaliya gudaheeda.

Arrimaha shirka Rome looga hadlayo uu yahay sidii waqti la isugu raaci lahaa oo lagu soo wareejinayo Hawada Soomaaliya, isagoo xusay in Muqdisho uu yaalo qalabkii loogu tala galay Hawada Soomaaliya, kaasoo la doonayo in la rakibo, si dalka gudahiis looga maamulo hawada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Maareeyaha Guud ee Duulista iyo Saadaasha Hawada Mr Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay waxaa uu dadaal ugu jiray sidii Soomaaliya u maamuli laheyd maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana Hey’adda Saadaasha Hawada ay dib ula soo laabato awoodii ay laheyd ee ay ku maamuli laheyd guud ahaan hawada Soomaaliya.

SAWIRO