Dowladda Soomaaliya oo Hey’adda Lacagta Aduunka ka codsatay in laga cafiyo Deymaha

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre  oo Magaaladda Davos ee dalka Switzerland ugu qeyb galayay shirkii looga hadlaayay dhaqaalaha Aduunka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde.

Kheyre iyo Christine Lagarde ayaa kawada hadlay kaalmada Hay’adda IMF ee Soomaaliya, gaar ahaan iyada oo loo marayo laba Barnaamij-Korjoogayaal Shaqaale ah iyo gargaar farsamo.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Christine Lagarde ayaa sheegtay deeqaha deynta ee Soomaaliya in ay tahay mudnaanta IMF iyo dadaal kasta oo loo sameeyo si loo dedejiyo geeddi-socodka nidaamyada aasaasiga ah.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Khayre ayaa hay’adda IMF uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, wuxuuna Khayre rajo ka muujiyay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.