Waxaa sii xoogeystay Murankii iyo khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Sacuudi Carabiya iyo Qadar kaasoo markaana saameyn ku yeelan doona kooxda kubadda Cagta ee Barcelona.
Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa soo saaray sharci ay ku mamnuucayaan xirashada Funaanada Kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain.
Sharcigaas ayaa ah qofkii lagu arko isaga oo xiran maaliyada kooxda Barcelona in lagu ganaaxi doono lacag dhan €135,000 iyo waliba 15 sano oo xarig ah.
Labada dal ee Saudi Arabia iyo Qatar ayay todobaadkii hore ka dhex qaraxday cadaawad siyaasadeed kadib markii qatar Saudi Arabia ku eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay kooxda ISIS iyo ururada kale ee xag jirka ah ee ka dagaalanta wadamada suuriya iyo ciraaq.
Sababta Saudi Arabia u soo rogay go,aanka lagu diidayo Xirashada maaliyada kooxda Barcelona ayaa ah in Shirkad Qatar Airways isku xayaysiiso maaliyada kooxda Barcelona.
Sidoo kale waxaa laga yaabaa Mamnuucidan in ay kusii balaarato wadamada kala ah Masar, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn oo markii horeba la safnaa wadanka Sacuudi carabiya.
Shabakada caalamiga ah ee Sky Italy ayaa sheegaysa in qof kasta oo jooga dalka Saudi Arabia wadanka uu doono haka soo jeedee oo lagu arko maaliyada Barcelona in uu mutaysan doono 15 sano oo xarig ah iyo waliba lacag dhan €135,000 euro oo ganaax ah.