Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Sheikh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Aala Thaani ayaa sheegay in dowladda Qatar aysan wada hadal la geli doonin dowladaha u jaray xiriirka Diblomaasiyadeed iyo midka ganacsiba inta ay saarantahay Qatar xayiraada.
Wasiirka ayaa waxa uu caddeeyay in wadahadal kasta oo ku saabsan dhibaatada ka jirta Khaliijka ay waajib tahay marka hore in Qatar laga qaado xayiraadda .
“Majiro illaa iyo hadda wax horumar ah oo dhinaca qaadida xayiraadaha taasoo aan hore shuruudaas ugu xirnay in arrimaha hore loogu wado.”ayuu sii raaciyay.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Qadar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha Taleefishinka Aljazeera waxana u usheegay in uusan jirin cid soo faro gelin kara arrimaha gudaha ee dalka Qadar,isagoo sii raaciyay inaysan wax waanwaan ah ka geleynin arrimaha gudaha ee dalkiisa.
Boqorka dalka Kuwait oo ah qofka kaliya ee waanwaan ka dhex wada labada dhinac ayaa sheegay inuu ka sugayo wadamada Khaliijka dalabaadkooda muhiimka ah ee ku aadan in wadahadalo lagu xalinayo khillaafka la bilaabo.
Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Qadar ayaa sheegay in haddii la sii wado xayiraada saaran dalkiisa ay ku tiirsanaan doonaan dalka Qadar oo si weyn ay isaga soo horjeedaan Boqortoyada Sacudi Carabiya.
“Iran waxayna noo fududeysay in aan hawadeeda isticmaalno waxaana aan wax wada qabsi la yeelanaynaa wadan walba oo xaqiijinaya in dalka Qadar uu garab istaago.”