Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay cambaaraynayaan weerarkaasi oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Garoon ku yaalla Baraawe, iyadoo ay 4 ciyaartoy ku geeriyootay, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Qatar tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, waxayna kuwii ku dhaawacmay u rajeeyeen caafimaad degdeg.
Dhinaca kale, ALShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo ay tilmaameen inay la beegsadeen Ciiddan iyo mas’uul ku sugnaa Garoonka K/cagta ee magaalladad Baraawe.