Dowladda Mareekanka oo sheegtay inay sii wadi doonto Duqeynta Al-shabaab

Dowladda Mareekanka ayaa ku dhawaaqday inay xoojineyso dagaalka iyo duqeynta ay ku hayso ururka Al-shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Mareekanka ee Qaybta Howl galada Africa oo la hadlay TV ABC NEWS ayaa sheegay inay laba jibaari doonaan howlgalada ay ka wadaan Goobaha ay ku suganyihiin Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa sheegay inay iskaashan doonaan ciidamada Kumaandooska DFS kuwaas oo ah ciidamo aad u tababaran oo dagaal kula jira Al-shabaab.
Mar uu hadlaaye Sarkaalku ayuu yiri ” Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay beegsato Saldhigyadda iyo goobaha lagu tuhmaayo Al-Shabaab , anaga oo kaashanayna ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka oo aan Magaciisa la shaacin.

Taliska Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa dhawaan sheegay in Saldhigyadda Al-Shabaab ay ku qaadi doonaan duqeyn dhanka Cirka ah.

Taliska Mareykanka ee Africa waxa uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada la siiyo Soomaaliya iyo saaxiibada gobolka, si loo burburiyo Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo gobolka.

Hadalka kasoo baxay Sarkaalkaasi ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli dowladda Mareykanka ay xaqiijisay in Askari Mareykan ah lagu dilay Howlgal ka dhacay Shabeelaha Hoose.