Dowladda Mareekanka oo ka hadashay Qaraxii Zoobe

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay Qaraxii lagu dhammaaday ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay si kulul u cambaareyneyso Qaraxii Zoobe, waxayna ku tilmaamtay weerarkaasi in uu ahaa mid bahalnimo ah.

Mareykanka ayaa sheegay ujeedada weerarkaasi in aanu aheyn in la beegsado shaqsiyaadka ku jira Dowladda, balse halkaasi lagu laayay dad shacab ah oo ay ku jiraan Dumar iyo Caruur.

Sidoo kale war ka soo baxay Mareykanka waxaa lagu sheegay Qaraxaasi in ay ku dhinteen Muwaadiniin u dhalatay dalka Mareykanka, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay shaqooyin kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Qaraxii Zoobe in ay ku dhinteen 276 qof, halka 300 oo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana weli sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxan, oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid Musiibo Qaran ah.

Dhanka kale Taalada magaalada Paris ee wadanka Faransiiska ayaa xalay saqdii dhexe leerkeeda la damiyay si loogu baroordiiqo dadkii lagu xasuuqay weerarkii Muqdisho.