Dowladda Kuuriyada Waqooyi oo markale tijaabisay Gantaal casri ah

Kuuriyada waqooyi ayaa Saakay tijaabisay gantaal  ridadiisa lagu qiyaasay inuu socon karo  450km (280 miles) kahor inta uusan ku dhicin badda dhexdeeda sidaas waxaa sheegay militeriga Koofur Kuuriya.

Balse waxaa jira warar kale oo tilmaamaya inaan si sax ah loo aqoon ridadiisa sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee kuuriyada koonfureed ee YONHUB.

Madaxwaynaha cusub ee K/koonfureed Mr. mun je ayaa amar ku bixiyey in ciidamadiisa iyo golihiisa wasiiraduba isugu yimaadaan kulan deg-deg ah oo laga hadlaayo gantaalkan ay riday K/waqooyi.

Dhinaca kale kuuriyada waqooyi ayaa si aan gabasho lahayn u sheegatay in ay ka gantay gantaalkan magaalada xeebta ku taal dalkooda,afhayeen u hadlay k/waqooyi ayaa ku tilmaamay gantaalkan in aan ciddna loo sheegayn xawaaraha uu jarayo iyo inta uu wax ka gumaadi karo,waxaanu dhoolatuskani noqonayaa kii sadexaad ee noociisa ah la tijaabiyo isla sanadkan.

Lababadan dal ayey ka dhaxaysaa colaad wayn oo gu,yaal badan soo jirtay,iyadoo dhacdanina noqonaysa mid rajadda sii fogaysa.

Qaramadda midoobay iyo maraykanka ayaa saaray waqooyiga kuuriya cunaqabatayn dhinac kasta ah.

Ilaa iyo hadana ma muuqato wax isbedel ah oo laga dareemayo Kuuriyada waqooyi walina way sii wadataa tijaabada Gantaalada Casriga ah.

HALKAAN HOOSE KA FIIRI SHAXDA GANTAALKAAS