Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay in ay fur i doonaan xuduuda ay la wadaagaan dowladda Soomaaliya.
Uhuru Kenyatta waxaa uu sheegay in furitaanka xadka ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya iyo Kenya , islamarkaana ay si weyn uga qeyb qaadan doonto kordhinta dhaqaalaha labada dal.
Shacabka kunool Mandera ayuu ugu baaqay in ay arintaasi ay kala shaqeeyaan dowladda ,ayna soo sheegaan haddii ay arkaan Shabaab xadka kasoo gudbaya.
“ Waxaan doonaynaa in aan furmo xadka aan la wadaagno Soomaaliya oo hadda xiran intiisa badan taasoo dhaqaalaha iyo ganacsiga degaankaan kor u qaadi karta” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.
Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee kunool gobolka Waqooyi bari in ay doortaan shaqsiyaad aqoon u leh degaanka oo Soomaali ah, kuwaas oo dadka kunool gobolkaasi noolashooda kor u qaadi kara.
Dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday in ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ka dib markii ay kordheen Weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab.