Dowladda Itoobiya oo safiir cusub u soo magacaawaday Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa Danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii uu waqtigiisa dhamaaday Danjirihii hore ee Dowladda Itoobiya u joogay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo dirtay Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar, isagoo horey u ahaa safiir ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya.

Safiirkan cusub  ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya waxa uu u yahay Wakiilka gaarka ah ee  Itoobiya u qaabilsan arrrimaha Soomaaliya,

Jamaaludiin ayaa noqonaya danjirihii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo Itoobiya u soo magacawdo dowladda Soomaaliya, waxaa horay labo jeer Safiir u soo magacawday C/casiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

©Goobsan  Media