Dowladda Canada oo Waji cusub kula dhaqmi doonta dadka Tahriibka kusoo gala dalkeeda

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in muhaajiriinta dalka Canada si sharci darro ah ku soo gala aysan heli doonin fursadaha ay helaan kuwa sida qaanuunka waafaqsan ku soo gala dalkaasi.

Trudeau ayaa intaa ku daray in dadka soo mara xuduudaha la marin doono sharciga u degsan Canada oo aanan loola dhaqmi doonin sidii hore, maadaama markii hore dalkaasi si isku mid ah loogusoo dhaween jiray soogalopotiga sida sharciga ah kusoo gala iyo kuwa sharcidarada ah kusoo gala.

Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa cadaadis iyo dhaleceen badan kala kulmay siyaasadiisa ku aadan muhaajiriinta, iyadoo dowladda Canada ay wali la tacaleyso lix kun oo qof oo si sharci darro ah kaga soo talaabay xadka Canada ay la wadaagto Mareykanka tan iyo bishii july ee sannadkan.
Xisbiga mucaaradka ee Conservative-ka ayaa ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ku eedeeyay in uu dhiira gelinayo muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka baqaya in laga soo tarxiilo Mareykanka.