Dowladaha Itoobiya iyo Ugaandha Oo Iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in Dowladiisa iyo Dowlada Uganda ay iska kaashan doonaan la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisal wasaare Hailemariam ayaa sheegay in haatan xukuumadiisa qorshaha ugu weyn ee hor yaala uu yahay la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dowlada Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada African Union ee howlgalka u jooga Gudaha Soomaaliya,

Mudane Hailemariam ayaa sheegay inay Al-shabaab dhibaato farabadan ku hayaan xasiloonida geeska afrika Isla markaana ay waajib tahay in lala dagaalamo. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tilaabo walba oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay iska kaashan doonaan dowladiisa iyo dowlada Ugandha,

Dowladdaha Uganda iyo sidoo kale Itoobiya ayaa ka mid ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay dhowr jeer ay sheegeen in ay labo jibaari doonaan dagaallka lagula jiro Shabaab.

Xoogaga Al-shabaab ayaa sanadihii u danbeeyay ay sii kordhaysay cududooda Militery iyo sidoo kale weeradada iyo qaraxyada ay la bartilmaameedsadaan  ciidamada Amisom  iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

©Goobsan Media