Dowlada Sacuudiga oo dhex dhexaadinaysa Soomaaliya iyo Imaaraadka

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay dhexdhexaadin ka dhex bilaabeyso Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo khilaafkooda uu xoogeystay.

Khilaafka labadan wadan ayaa waxa uu ka bilowday heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP-world oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga ayaa waxa ay sheegeen labadan wadan xubno ka socda in ay ku marti qaadayaan Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga si ay ugu wada hadlaan arrimaha ay isku heystaan.
Ujeedka Sacuudiga ayaa waxa uu yahay in aanan u gudbin Khilaafka banaanka, balse ay sameynayaan sidi loo dejin lahaa xiisada labadan wadan inta aanay xoogeysan, Dowladda Sacuudiga waxa ay saaxiib dhow la tahay labada Dowladood.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Sabtidii kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen heshiiska Dekeda Berbera inuu ahaa mid sharci daro ah, waxayna dalka ka mamnuuceen shirkadda DP-World.

Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaadkii tagay u gudbisay fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta warqad ay dacwo uga tahay Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis Saddex geesood ah uga gashay Dekeda Berbera.