Dowlada Mareykanka oo markale duqayn ku dishay Sarkaal Sare Oo ka tirsanaa Shabaab

Mareykanka, ayaa sheegtay masuuliyadda weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo lagu bartilmaameydsaday Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa.

Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee Khamiistii, ayaa ka dhacay Deegaanka Kuunya Barrow oo dhaca duleedka Degmada Baraawe. Gantaal, ayaa lala helay goobtii uu bartilmaameydku ahaa.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa qoraal uu Jimcihii soo saaray ku sheegay in weerarkaasi lagu dilay hal nin, halka tiro kalana lagu dhaawacay.

AFRICOM, ayaan faah faahin ka bixin shakhsiga uu ahaa Sarkaalka sare ee duqayntaasi lagu qaarajiyay, balse ay wadaan qiimayn ku aadan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Sarkaalka duqaynta lagu dilay uu yahay Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, oo mar Shabaabka u qaabilsanaa Gobolada Jubbooyinka.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo muddo dheer Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa Madaxa Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa Kuunya Barrow.

Ururka Al Shabaab, ayaan weli ka hadlin duqaynta ka dhacday duleedka Degmada Baraawe, laguna qaarajiyay Sarkaalka sare ee ururkaasi ka tirsanaa. Shabaabka loogama baran inay horey kaga hadlaan duqaymaha ceynkani oo kala ah.

Tan iyo markii uu xafiiska qabtay Madaxweyne Donald Trump, ayaa waxaa kordhay weerarada dhinaca cirka ee diyaaradaha Mareykanku ka gaysanayan Gobolada Koonfurta Somaliya.

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa noqday kan ugu badan ee duqaymaha lagula beegsanayo Saraakiisha Ururka Al Shabaab. Daba-yaaqadii bishii July, ayay ahayd markii duqayn ka dhacday gobolkaasi lagu dilay Madaxii Ururka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir, Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

©Goobsan Media