Dowlada Marekanka Oo Ka Hortimid Qorshe Soomaaliya Ku Wajahan Oo Kenya U Gudbisay Qm

Marekanka ayaa golaha Amaanka u gudbiyay diidmadisa ku aadan in howlgalka amisom loo badalo howlgalka qaramada midobay

Dowlada keenya ayaa soo jedisay in howlgalka amisom ee Somalia laga dhigo howlgalka qaramada midoway diidma marekanka ayaa imaaneysa xili uu gaba gaba maraayo waqtiga ay amisom jogeyso Somalia .

Dhinaca kale qorshaha amsisom uma dhicin sidii loogu talagalay sida ay qabaan siyaasiyiinta somalida waxeey wararka sheegayaan in cidmada nabad ilalinta laga donayay in ay howlgalka ku barbar wadaan dhismaha xooga dalka Somalia balse arintaas weli ma xaqiijin wax muuqdana kama qaban.

Dowlada cusub Ee Somalia oo ay horyalaan caqabado badan ayaa laga donayaa ineey dhisto ciidamo hanta  amaanka dalka.

Dowlada marekanka oo kamid ah dowladaha galaangalka siyaasadee ku leh Somalia ayaa diiday talo ay qaramada midowbay horgeysay dowlada Kenya taladan oo aheed in cidamada nabad ilaalinta amisom loo badlo ciidamada nabad ilaalinta QM, dowlada marekanka weli macadeen sababta diidmadeeda balse waxaa la qayaasayaa iney dulaan ka tahay qarash xogan oo uga baxa dalka Somalia.