Dowlada mareekankanka oo qorsheynaysa inay kala gayso qoysaska sharci darada kusoo gala

Sida uu sheegay xoghayaha arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka John Kelly mar uu la hadlaye warbaahinta CNN ayuu uga waramay  in go’aankani uga gol leeyihiin isku day lagu doonayo in la hakiyo qoysaska safarada halistata ah ka soo gala bartamaha Ameerika.

Tobannaan kun oo waalid iyo carruur isugu jira, kuwaas oo badankood ka soo cararaya qalalaasaha Honduras iyo El Salvador iyo badi wadamada saboolka ah ee latin America  ayaa la xiray iyaga oo xadka ka soo gudbaya.

Sanado ayay qaadan kartaa inta maxkamaduhu ay go’aan ka gaarayaan codsiyada ay soo gudbisteen ee ah in magangalyo la siiyo.

Warbaahinta ayaa Jimcihii ku warantay in siyaasadan cusub ay ka dhigan tahay in waalidka lagu hayn doono xabsiyada inta sharciga laga waafajinayo ama loo diyaarinayo qaabkii loo masaafurin lahaa.

Laakiin masuuliyadda carruurta waxaa la wareegi doonta waaxda caafimaadka iyo adeegyada aadanaha ee loo soo gaabiyo HHS ilaa iyo inta looga helayo qaraabadooda oo Maraykanka ku nool oo qaada masuuliyaddooda ama ay dawladdu ku wareejinayso cid ay baartay oo lagu kalsoonaan karo.

Markii Isniintii la waydiiyay Mr Kelly waxrbixinada ay warbaahintu tabinayaan wuxuu ku jawaabay haa, waan ka baaraan dayagaa si dadka looga niyad jabiyo in ay soo galaan safarkan halista ah. Taas ayaana rasmiyan qorsheynaynaa ayuu hadalka sii raaciyay.

© Goobsan Media