Dowlada Kenya oo Wada-hadal Ku Saabsan Muranka Badda Kula Jirto Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wada hadal ku saabsan muranka xuduuda Badda ay kula jirto Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma oo la hadashay Wargeyska New African Magazine ayaa tilmaamtay in wada-hadalka uu bilowday ayna rajeynayaan in guulo laga gaaro dhawaan.

Waxa ay sheegtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya inay raadinayaan wadooyin kale oo lagu xalinayo arrinta muranka Badda.

“Waxaa wada hadal noo socdaa dowladda Soomaaliya, waxaana rajeynaynaa inaan gaarno heshiis,waxaa jirey heshiis is faham ahaa oo u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, balse markii  dambe muranka ayaa gaaray in Maxkamadda la isla aado xiligii Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud”, ayay tiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya.

Dowladda Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaan wali soo hadal qaadin arrimaha ku saabsan muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labadda wadan xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo xiligaan.