Dowlada Denmak Oo heshiis qarsoodi ah la gashay Dowladii hore Madaxweyne Xasan Shiiq

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Wargayska Politiken ee ka soo baxa Dalka Danmark. Waxaa Sanadkii 2014 tii heshiis qarsoodi ah wada saxiixday Dowladii hore  ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxmuud iyo xubno Wasiir ka socday Dowlada Danmark. heshiis kaasoo ujeedadiisu ay ahayd sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee magangalayada ku jooga Wadanka Danmark,

Arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii dhawaan Baarlamaanka Denmark ay u yeereen wasiiro ka tirsan xukuumada talada dalka haysa si wax looga waydiiyo arimaha la xiriira dib u celinta qaxootiga Soomaalida ku nool Denmark oo qaarkood sharciyada lagala noqday,

Xubnaha wasiirada ayaa Baarlamaanka u Sheegay inay arintaan dib u dhoofinta kala hadleen dowladii uu hore ee Madaxweyne Xasan Sheikh isla markaana heshiis siyaasadeed ay la saxiixdeen Sidoo kale waxay sheegeen inay dib u dhigeen qorshe ay damacsanaayeen inay bishii hore ay ka dhoofiyaan tiro dad ah kuwasoo ay kala laabeteen sharciyada  daganaanshaha dalkaas,

Baarlamaanka Denmark ayaa sheegay inaysan ilaa iyo iminka aysan hayn heshiis rasmi ah oo arintaas cadaynaya ayna adag tahay in xiligaan dalka laga masaafuriyo dad magan galyo waydiistay dalkooda,

 

Xigasho:politiken