Doonyihii Muslimiinta Rohingya ay kusoo gali jireen dalka Bangladesh oo la burburiyay

Maamulayaasha Bangladesh ayaa la sheegay inay burburiyeen 20- Dooni oo Qazootigaasi ku soo tahriibi jireen, kadib, markii la ogaaday inay dalkaasi soo geliyaan Daawooyin Kontorobaan ah.

Qaar ka mid ah Qaxootiga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Ilaaladda Xuduudka garaaceen , isla markaana xireen Qaxootiga iyo Naakhuudayaashii waday Doonyaha ka soo gudba Webiga NAF ee u dhexeeya Bangaladesh iyo Galbeedka dalka Myanmar.

Qaxootiga waxay sheegeen in la garaacay markii ay soo gaareen DekeddA SHAAH PORIR DAWIN ee Koonfurta dalkaasi.

Taliyaha Ciiddanka Xuduudaha ee Bangaladesh, Kolonel Cariful Islaam ayaa beeniyey in la garaacay Dadkaasi, wuxuuna xusay in Hawlgalkaasi looga dan leeyahay sidii lagu joojin lahaa Tahriibita Dadka iyo in Kaniiniga loo isticmaalo daaweynta Neerfaha oo dalkaasi  looga yaqaano “ya ba”.

Rakaabkii la socday doonyaha waxay sheegeen inay 123 Dollar qofkiiba ku bixiyo safarka tahriibka ee ay ku soo galaan dalka Bangladesh.

500,000 oo Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ayaa soo galay dalka Bangaladesh, kuwaasi oo ka soo baxsaday Hawlgaladda Milliteriga Myanmar ku ugaarsanayeen dadka Muslimiinta ee ku nool Gobalka Rakhine ee dalkaai.