Donald Trump oo sixiixay amar cusub oo dhinaca socdaalka ah

War hada ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucay Muslimiinta lix dal.

Amarkan ayaa daba socda xayiraadii hore ee uu kol hore soo jeediyay Trump. Waxayna dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Sudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka John Kelly ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan. Isla markaana madaxweyne Trump uu doonayo in dadka Mareykanka ay nabad iyo amni ku noolaadaan,

Go’aankan oo dib u eegis lagu sameeyay wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah oo ku taala Magaalada New York. Kadib markii arintaasi ay keentay jahwareer dhanka garoomada iyo diyaaradaha ah, ayadoo dad sitay dal ku gal sax ah dib loo celiyay. Sidoo kale waxa uu sababay in dibad baxyo waaweyn ay ka dhacaan gudaha iyo dibadda Mareykanka.

©Goobsan Media