Donald Trump oo saxiixay amar cusub oo lagu yareynayo shaqaalaha ajaanibta

Arbaco 19/04/2017 (Wisconsin) Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sii wata ololahiisa ka hortaga dadka soo galootiga asagoona umuuqda mid ka dhabaynaya balanqaadyadi uu horay u sameeyay Trump ayaa markaana saxiixay amar cusub oo dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo barnaamijka dal ku galka ku meel gaarka ee loo adeegsado in lagu shaqaaleysiiyo shaqaalaha ajaanibta ee ka shaqeeya Mareykanka.

Amarkan oo looga gol lahaa in ahmiyada kowaad la siiyo dadka Ameerikaanka ayaa waxaa ay qeyb ka tahay ballamihii uu qaaday madaxweyne Trump xiligii ololaha doorashada.
Amarkan uu saxiixay Trump ayaa la doonayaa in looga hortago in si khaldan loo adeegsado barnaamijka dal ku galka ee muddada dheer soo socday, waxaana uu madaxweynaha intaa ku daray in tallaabadani ay dhiiragelineyso in shacabka Mareykanka ay wax ka iibsadaan isla shirkadaha dalkaasi, ayna sidoo kale shaqaaleysiiyan dadka Mareykanka.
Trump oo sharcigan ku dhex saxiixay xili uu ku sugnaa gudaha shirkada Wisconsin ayaa waxaa uu intaa ku daray in adeegsiga khaldan ee waaxda socdaalka ay sahashay in shaqaalaha Mareykanka lagu bedelo dad laga keenay dalal kale si ay u buuxiyaan isla shaqooyinkii ay hayeen oo lagu siiyo buu yiri lacag yar Shaqaalaha shirkadaha.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in dal ku galka marnaba aana loo isticmaalin in lagu bedelo shaqaalaha Mareykanka.