Donald Trump oo lagu eedayey habdhaqankiisa iyo inuu nacayb abuuri karo

Waaxda Qaramada Midoobey u qaabilsan difaaca xuquuqda aadanaha ayaa madaxweynaha Mareykanka ku eedeysay inuu hurinayo dembiyada naceybka.

Madaxa laantaasi, Zeyd Racad Al-Xuseyni wuxuu sheegay in Trump uu sababay naceybka ka dhex taagan bulshooyiinka.

Al-Xuseyni ayaa sidoo kale tilmaamay in eedaha “beenta ah” ee Trump uu u jeediyay soo galootiga ay sababeen dembiyo badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadalladiisa ay abuureen xadgudubyo ka dhashay naceyb.

Wuxuu Al-Xuseyni xaqiijiyay in shuruucda cusub ee socdaalka Mareykanka ay sababi doonaan is ku dhacyo badan iyo in dad badan la xiro.

“Kuwa raadsanaya inay megengelyo helaan haddii dib loo celiyo, naftooda ayaa halis galeyso waana la dili karaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaaa raaciyay in tallaabooyiinka Trump ay xadgudub ku noqon karaan xeerarka caalamiga ah.

Zeyd Racad Al-Xuseyni ayaa sidoo kale cambaareeyay isku deyada Trump “uu ku handadayo kuna liidayo saxafiyiinta iyo garsoorayaasha maxkamadaha.

Madaxa laanta xuquuqda aadanaha ee UN, Zeyd Racad Al-Xuseyni

Muxuu sameeyay Trump?

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isniintii soo saaray amar uu ku mamnuucay in Muslimiinta kasoo jeedo lix dal ay galaan Mareykanka.

Xayiraaadda oo la mid ah tii hore waxay dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Sudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka.

Wuxuu diiwaankii hore ka reebay dalka Ciraaq.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan.

John Kelly, wuxuu sheegay in madaxweyne Trump uu doonayo in dadka Mareykanka ay nabad iyo amni ku noolaadaan.

Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah.

Amarkii hore ee Trump wuxuu mamnuucay in Mareykanka ay galaan dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin ah.

Wuxuu amarkaasi dhaliyay jahwareer dhanka garoomada diyaaradaha ah, ayadoo dad sitay dal ku gal sax ah dib loo celiyay.

Sidoo kale waxa uu sababay in dibad baxyo waaweyn ay ka dhacaan gudaha iyo dibadda Mareykanka.

Maamulka Trump wuxuu ku dooday in amarka uu muhiim yahay si Mareykanka nabad looga dhigo.

Amarka cusub muxuu kaga duwanyahay midkii hore?

Kaaliyaha Trump, Conway, waxay Fox News u sheegtay in Ciraaq ay suuragal tahay in laga saaro dalalka xayiraadda la saarayo.

Balse lixda dal ee kale ee diiwaankii hore ku jiray ee kala ah Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Suudaan iyo Iiraan ayaa markale la filayaa in lagu rago xayiraad 90 maalmood ah.

Sikastaba, warqad uu qoray Congress-ka oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP, waxaa lagu sheegay in amarka cusub uusan saameyn doonin dadka haysta dal ku galka saxda ah.

Conway waxay sidoo kale tilmaamtay in dadka haysto green cardka, ee dalalka la xusay ka soo jeeda uusan saameyn doonin amarka la filayo inuu madaxweynaha saxiixo.

Qaxootiga ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa 120 maalmood, sida ay ku warrantay Reuters. Balse Conway waxay muujisay in qaxootiga Suuriya oo dhan aan la hor istaagi doonin.