Diyaaradaha Masar oo duqeyn ka geystay saldhigyo ku yaala dalka Libya

Dowladda Masar ayaa duqeyn xooggan waxa ay ka geysatay  xeryo  ku yaalla  bariga Liibiya sida ay shaaciyeen Warbaahinta dalka Masar.

Weerarkaan ayaa waxaa uu jawaab u ahaa Weerar lagu qaaday bas siday masiixiyiin Qibdhiyiin ah, weerrarkaas oo ay ku dhinteen 28 qof oo ay carruur ku jiraan.

Dowladda Masar ayaa sheegtay Xeryaha ay Weerarka ku qaaday in ay kasoo tageen Kooxihii Weerarka u geystay Masiixiyiinta Masar.

Wararka laga helayo milateriga ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Masar ay lix duqeyn u geysteen saldhig ku yaal meel u dhow magaalada Derna ee bariga Liibiya.

Saraakiisha Masar ayaa sheegay in ay hubiyeen in goobtaasi ay tahay halka lagu tababaray kooxda fulisay weerarka.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Masar duqeyso bartilmaameedyo ku yaal soohdinteeda galbeed.

Bishii Febraayo ee 2015, ayaa diyaaradaha dagaalka ee waddankaasi waxa ay duqeeyeen gudaha Liibiya.