Diyaaradaha Mareekanka oo Duqayn ka fuliyay duleedka Gobolka Banaadir

Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay meel dhow gobolka Banaadir,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM  waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay dhacday Subaxnimadii Khamiista aheyd , waxaana ay beegsadeen hoggaamiye Sare oo katirsan Al-Shabaab.

“Maanta labo duqeyn ayaa ka dhacday meel u dhow gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, waxaana wali wadnaa baaritaano ku aadan duqeyntaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay  Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.