Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa duqayn culus ka fuliyay meel ku dhow xadka Kenya la wadaagto Somaliya, halkaasoo la rumeysan yahay intii muddo ahba inay Shabaabku weeraro ka soo qaadayeen.
Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa duqayn culus ka fuliyay meel ku dhow xadka Kenya la wadaagto Somaliya, halkaasoo la rumeysan yahay intii muddo ahba inay Shabaabku weeraro ka soo qaadayeen.
Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa Insiintii duqayn is xig xigtay ka fuliyay kaynta Boni oo ka tirsan Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya, iyadoo sida la sheegay ay ku sugan yihiin maleeshiyaad fara-badan oo taabacsan Ururka Al Shabaab.
Isku duwaha Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Xeebta, Nelson Marwa, ayaa sheegay in Ciidamada Cirka Kenya ay bilaabeen inay dhinaca cirka ka garaacaan Shabaabka ku sugan kaymaha Boni.
Isku duwaha, ayaa sheegay in Shabaabku ay muddooyinkanba weeraro ka dhan ah dalka Kenya ka soo qaadayeen kaymaha Boni, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Axadii ka dhacay duleedka Lamu, oo sida uu sheegay ay Shabaabku ku gowraceen sagaal ruux oo rayid ah.
Nelson Marwa oo gelinkii dambe ee Isniintii Saxaafadda kula hadlayay Magalaada Mombasa, ayaa ku hanjabay in Kenya ay dardar-gelinayso duqaynta ka bilaabatay Boni, si looga saaro Shabaab.
Sarkaalkan, ayaan kala cadayn khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray duqaynta dhacday Isniintii, balse waxaa uu xusay in hawlgalku uu guuleystay, isla-markaana ay sii wadi doonaan.
Nelson, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in dadka degan hareeraha Boni ay si deg deg ahi ku baneeyan, iyadoona uu ujeedku ku sheegay si looga fogaado waxyeelo rayidka ka soo gaarta hawlgalka dhanka cirka ee ku foorara Boni.
Ururka Al Shabaab, ayaa shan sano ka hor bilaabay in ay weeraro ka gaystaan gudaha dalkaasi Kenya, iyagoo ka biyo diiday Kenya oo gudaha Somaliya soo gelisay dhawr kun oo militarigeeda ka tirsan.
©Xigasho:Dhacdo