Digniin laga soo saaray caruurta is qarxisa

Waxaa sii kordhaya weerarada loo adeegsado is qarxinta ayadoo weeraradaasi ay fuliyaan caruur ama kuwa qaan gaarka markaas sii galaya warbixin ay soo saartay maanta Q/midoobay ayaa ku cambaareysay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqmaan Boko Haram ayakoo u adeegsada caruurta fulinta weerarada is qarxinta ah.
Saddexdii bilood ee sanadkan ugu horreysay, ayaa 27 weerar oo is-qarxin ah waxay ka dhaceen dalalka Nigeria, Niger, Chad iyo Cameroon, dalalkaasi oo ah kuwa ay saamaysay dhibaatada Boko Xaraam.
Weerarradaasi ayaa tiro ahaan ku dhaw guud ahaan kuwii dhacay sanadkii tegay.
Inta badan carruurta weerarradaasi is-qarxinta ah fuliyay ayaa ahaa gabdho bartilmaameedsanayay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada iyo weliba dadweynaha.
Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay marin habaabinta iyo awoodda ay Boko Xaraam u adeegsato gabdhaha iyo wiilasha si ay qaraxyada u fuliyaan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in carruurtaasi aanay ahayn dembiilayaal ee ay yihiin dhibbanayaal.

Guud ahaan caalamka meelo badan oo ka mid ah ayaa waxaa ka dhaca weeraro argagaxiso taasoo ay fuliyaan dad naftood hurayaal ah waxayna cabsi xoogan ku abuuraan bulshada ka ag dhow meelaha u nugul inay qaraxyada ka dhacaan.