Digniin ku socota gabdhaha shaqo raadiska ah (video)

Waxaa la helay xog  ku saabsan dadka ka ganacsada xubnaha bini-aadamka taasoo kusoo badanaysa wadamo badan oo Afrikaan ah ayadoo laga faa’iideysanayo xaalada shaqo la’aaneed ee wadamo badan oo Afrikaan ah heysato.

Waxaa la ogaaday shaqsiyaad iska dhigaya inay yihiin dad hab online ah wax ku shaqaaleeya kuwaas oo gabdho badan shaqaale ah qorta ayagoona u fududeeya howlaha safarka uu ku gaari lahaa meelaha ay shaqada uga soo heleen balse dadkaas ma ahan dad si sax ah shaqada u keenay ee waa dad soo dhameemay dukumiintiyadii aad ku tagi lahayd meeshii lagugu qali lahaa oo xubnahaada lagu fur furan lahaa.

Waxaa la ogaaday in habada xafiisyo si qarsoodi ah looga furay wadamada Nigeria, Ghana, South Africa, DR Congo, ay yihiin kuwa fududeeya howlahaas ayna qortaan shaqaale badan oo ay dhoofiyaan hadaba shaqsiyaadkaas sida qarsoodiga ah xafiisyada u furtay ayaa la sheegay inta badan inay ka yimaadeen wadamada kala ah China, Korea, Japan, iyo wadamo kale oo u badan Asia.

Hadaba dadkaas ayaa inta badan sameeya dukumiintiyo kuu sahlaaya inaad dibada u safarto kuwaas oointa badan dadka marsiiya baaris caafimaad si ay u hubiyaan bad qabkooda ugu dambeyna u dhoofiya wadamo cayiman oo ay kamid yihiin Dubai, India, Korea China India,.

shaqada ay soo dhameeyaan waa shaqo qof walba oo dumar ah ay qaban karto taasoo ay u sheegayaan inay shaqadu tahay mid xoogsi ah sida Jaariyad ama Booyaasad, xanaano loo samaynayo qof da’ ah ama caruur la xanaaneynayo taasoo ay qofkii shaqo doonka ahyad si sahlan u aqbasho.

Sidoo kale waxaa dadkaas la tahriibiyo loo sii gudbiyaa wakiilka u jooga wadanka uu tegay halkaas ayaana waxii qaliin ah lagu marsiiyaa ayadoo xubnaha lagala baxana ay yihiin Beerka, kilyaha, iyo Wadnaha.

Hadaba waxaa la ogaaday qiimaha ay suuqa madow ka joogaan xubnahaas aan kor kusoo xusnay (Beerka=157,000$) (kilida=262,000$) (wadnaha=119,000) waana qiimaha ay ka joogaan mareekanka wadamada kale intaas waa ka qiima hooseeyan waxaadna ka arki doonta shaxda hoose ee sawirka ah.

Sidoo kale waxaa la helay muuqaal gaaban oo muujinaya qof lagala baxayo  xubnaha  oo qaliin la marsiinayo waxaana muuqaalkaas si aan ku tala gal ahayn uga soo baxsaday qof shaqaale ah oo ku howlanaa dirida muuqaalo ku saabsan dadkii ay qaliinka marsiiyeen asagoo si qalad ah ugu diray qof kale.

Halkan ka daawo muuqaal gaaban