DHAGEYSO: Muuse Biixi oo tilmaam aan la fileyn ka bixiyay Madaxweyne Farmaajo

Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo ku soo baxay doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Muuse Biixi, ayaa yiri “Duco iyo habaar iminka midna oran meyno, laakiin ninkaa loo dabaal-degaayo ee Maxamed C/laahi, Madaxweynaha cusub ee la doortay wuxuu leeyahay waxyaabo uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay, illaa intii Madaxweynaha laga dooranaayay uu ugu horeeyo Cabdiqaasim Salaad Xasan, C/laahi Yuusuf Axmed, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan-kii shalay ka degay.”

“Wuxuu ka mid yahay dhalinyaradii aadka ugu jilbeysanayd Taliskii Siyaad Barre, ee u soo shaqeysay, ee markii dalkaan Somaliland la duminaayay diblomaasiyiintii la lahaa, ee weliba New York joogay meel hoosaba ha jooggee, ee lahaa waxna lama layn, waxna kuma dhiman.”