Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyada Soomaliyeed ee Qahira

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa kula kulmay xalay Magaalada Qaahira dadka Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Ardayda iyo sidoo kale Ganacsatadda Soomaaliyeed ee kunool Qaahira ayuu xalay Khudbad dheer u jeediyay isagoona uga  warbixiyay  Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar laga doonaayo in aysan tahriibin oo ay waxbartaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Madaxda iyo Shacabka Masar uga mahadceliyay soo dhaweyntii loogu sameeyay dalka Masar.

Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne C/fitaax Al-siisii, waxayna labada dhinac ka wadahadleen xiriirka labada dal, iyo dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.