Qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Fankuvar ee dalka Canada ayaa Todobaadkan caruur ay dhaleen waxaa kala wareegtay Wasaaradda Caruurta ee dalkaasi, sida ay sheegen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada.
Qoyskan oo lahaa Toban caruur ah ayaa mar qura waxaa u yimid masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caruurta oo ay wehliyaan Booliska Canada, waxaana laga kaxeysatay caruurtoodii oo ay dhaleen.
Sababta ka dambeysay in caruurtan waalidoontooda laga kaxeysto ayaa la sheegay in ay tahay kadib markii Gabdhaha ugu roon ee Qoyska ay dacwad ka gudbiyeen Waalidoontooda, taasi oo ah in la canaanto ama la jirdilo.
Sidoo kale Booliska Canada ayaa xabsiga dhigay Hooyada iyo Aabaha dhalay caruurtan, si Maxkamad loo soo taago waxna looga weydiiyo tabashada ay ka soo gudbiyeen caruurtooda.
Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa maanta oo Khamiis ah qaadeysa dacwadan, si ay go’aan uga gaarto cida lagu wareejinayo caruurtan iyo xukunka lagu ridi doono waalidiintooda, iyada oo looyaro loo qaban doono labada waalid.
Qofka lagu wareejinayo caruurtan oo ay Maxkamadda go’aan ka gaareyso ayaa waxaa shuruudaha laga rabo ka mid ah inuusan dambi gelin iyo inuu leeyahay guri weyn oo ay ku noolaan karaan caruurtan.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada oo falkan aad uga carooday, xalayna kulan yeeshay ayaa maanta waxa ay tagayaan Maxkamadda, si Maxkamadda ay uga dhaadhiciyaan in caruurtan loo dhiibo dad Muslimiin ah gaar ahaan Soomaalida.