Dhacdadii ugu naxdinta badnayd oo Maanta ka dhacday Muqdisho(SAWIRRO)

Wiil iyo gabar ka mid ahaa dadka degaanka xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa ku heshiiyay inay isguursadaan, kadib wada hadal iyo haasaawe dhexmaray labadooda.

Gabadha iyo wiilka ayaa ku heshiiyay guur, waxaana arrintan si adag uga soo horjeesatay hooyada dhashay gabadha, dadaalo uu sameeyay wiilka gabadha rabay ayaa ugu dambeyn wuxuu ku qanciyay gabadha adeeradeed in lagu daro gabadha maadaama ay isjecel yihiin.

Wiilkii iyo gabadhii ayaa la isku daray, hooyada dhashay gabadha oo ku doodeysa Beesha wiilka uu ka soo jeeda gabadheyda ma guursanayaan, ayaa ugu dambeyn sameysay fal argagax leh, kadib markii goobtiisa ganacsiga ay ugu tageen Axmed Muqtaar Saalax oo ku magac dheer Axmed Dowlo oo wiilka adeer u ahaa, kadibna halkaasi ay ku dileen, iyaga oo tooreeyo iyo manqar u adeegsaday dilka, kadibna gubay Marxuumka.

Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa waxaa la geeyay xarunta dambi bariste ee CID-da, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa oo dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka wiilkooda.

Talaadadii ina dhaaftay ayay aheyd markii nin xaaskiisa oo u dhashay 7 caruur ah uu ku dilay xaafada Sarkuusta ee degaanka Garasbaaley, wuxuuna dilkeeda u adeegsaday tooreeyo iyo manqar, dad bar garanayay ayaa waxa ay sheegeen inuu qabay xanuun dhanka maskaxda ah.

Dhacdooyinka la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah ayaa ku soo batay Muqdisho iyo duleedkeeda, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay Muqdishoka dhaceen dilal ay isku geysanayeen dhawr qof oo ehel ahaaa.