Denmark: Toogasho ka dhacday Bartamaha Copenhegan

Wararka laga helayo caasimada Wadanka Denmark ee Copenhagen ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacday toogasho.

Sida wararka tilmaamayaan ku dhawaad 3 qof ayaa lagu dhaawacay rasaasta la maqlay waxana weerarka ka dhacay Nørrebro oo ku taala bartamaha magaalada Copenhegan.

Booliska Caasimada Denmarka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dhibaatada goobta ka dhacday hase yeeshee Wargeyska Ekstrabladet  ayaa qoray in baabuurta gurmadka  lagu arkay goobta is rasaasayntu ka dhacday.

Sida uu ku waramyo Joornalka kale ee Ritzau ku dhawaad 6 Toogasho ayaa ka dhacday Caasimada Copenhagen Isbuucii u danbeeyay oo kaliya