Denmark oo Malaayiin Dollar uga qeyb qaadaneysa wax ka qabashada Abaaraha Soomaaliya

Dowladda  Denmark ayaa shaaca ka qaaday in Malaayiin Dollar ay uga qeyb qaadaneyso ka hortaga abaaraha xoogan ee ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Wasiirada horumarinta Xiriirka Caalamka, Ulla Tørnæs ayaa waxuu sheegtay in Dowlada Denmark 42.8 milyan oo dolaar ay ku caawin doonto Dalka Soomaaliya iyo Dalal kale oo ay ka jiraan abaaro.

Waxuu sheegay in Dowladiisa 14.3 milyan oo doolar ay ugu deeqeyso Dalalka Soomaaliya iyo Yemen, si looga hortago macluusha ay wajahayaan Shacabka.

Dhawaan ayee aheyd markii Qaramada Midoobay ay dalbatay balaayiin doolar oo ay ku sheegeen in ay wax badan uga qaban doonaan abaaraha ka jira Soomaaliya, South Sudan, Yamen, iyo Nageria.