Denmark: Haweeney Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay

Hooyo soomaaliyeed 45 sano jir ah ayaa maxkamada Magaalada Copenhegan ku xukuntay  sadex bilood oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamad ku eedaysay in ay jirdil u geysatay afar caruur ah oo ay dhashay.

Xeer-ilaaliya yaasha dacwada kusoo oogay haweenaydan ayaa sidoo kale maxkamada ka codsaday in laga masaafuriyo gebi ahaanba dalka Denmark,  Hase yeeshee Maxkamada darajada koowaad ee Copenhegan ayaa iska diiday soo jeedintaas,

 Haweenaydan ayaa iska fogaysay eedaynta lagu soo eedeeyay balse dacwada oogayaasha ka socday dhinaca dowlada ayaa Maxkamada hor keenay cadaymo ka socdo dhakhaatiir baaritaan ku sameeyay caruurta. Sidoo kale labo ka mid ah caruurta ayaa waxaa ka muuqday nabaro u  u muuqday jir dil,

Hooyadan ayaa horey ay dowlada Denmark uga qaadatay afartan caruurta ah oo ay dhashay, lamana oga xukun xabsiga kadib waxa xigi doona

Halkan Ka Aqriso Warkaas oo ku qoran Luuqada Danish-ka

Ahmed Yare

Copenhegan Denmark