Warbixin ay soo saareen Booliska Denmark ayay ku sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen nin horay fal dil ah ugu gaystay muwaadin Soomaali ah Sanadkii tagay,
Ninkan oo lagu magacaabo Hassan Hamid Mohamed ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka ciraaq waxaana la sheegay inuu Bishii October 2016 si bareer ah u dilay Muwaadin Soomaali ah oo da’diisu ahayd 47 jir ,
Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay inuu dilka u adeegsaday Mindi kadib markii qilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Ninka Soomaaliga ah Oo ku wada noola Xerada Qaxootiga ee Sundholm Center waxaana maydka Marxuumkaas laga helay qolka 11 saacadood kadib,
Hassan Hamid ayay Boolisku sheegeen inuu u baxsaday dalka Holland, Waxaana Dadaal dheer kadib suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan danbiilahaas.
Boolisku waxay sheegeen in Mr Hassan uu ka soo hor muuqan doono Maxkamada Magaalada Hillerød Bisha October ee Sanadkan si wax looga waydiiyo danbiga dilka ah ee lagu soo eedeeyay,