DEG DEG: Ra’isalwasaare Hore oo Qarax Gaarigiisa qabsaday ku dhaawacmay (Sawiro)

Ra’isalwasaarahii hore ee dalka Greek Lucas Papademos ayaa lasoo sheegayaa inuu ku dhaawacmay Qarax gaarigiisa qabsaday sida ay wararku sheegayaan.

Lucas iyo darawalkii gaariga u waday ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac u badan lugaha kuwaasoo xaaladooda caafimaad hadda aysan ahayn mid halis ah laguna daweynayo Isbitaal qaas ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin kale ay ku sugnaayeen gudaha Gaariga qaraxa ka dhacay balse arintaas si cad looma hubo.

Lucas Papademos ayaa xilka Ra’isalwasaaranimada loo doortay Sanadkii 2011 markaas oo wadanka Greek ku sugnaa xaalad kacsanaan dhanka dhaqaalaha ah.

Mr Lucas Papademos ayaa sidoo kale mar ka ahaa madaxweyne ku xigeen Bankiga Dhexe ee Yurub.