DEG DEG: Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Irida hore ee Madaxtooyada dalka…

Qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow madaxtooyada dalka Afganistan.

Qaraxan oo ahaa mid qasaare badan gaystay ayaa waxaa la sheegayaa in 300 oo qof ay ku dhaawacantay halka 50 kalena ay ku dhinteen Waana wararkii ugu dambeeyay oo laga helayo saraakiisha Caafimaadka ee Afghanistan.

Afhayeenka Booliska Kapoul ayaa wakaalada wararka ee Routers u xaqiijiyay in qaraxan uu aad ugu dhowaa Safaarada Jarmalka oo ayadana ku taalo agagaarka Madaxtooyda ee Afghanistan, Sidoo kale goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla Safaarado badan oo ay leeyihiin dalalka Caalamka.

Qaraxan ayaa la sheegay in dhawaqiisa uu xooganaa guryihiihi ka dhowaa goobta uu ka dhacayna ay ka daateen miraayadihii albaabaduna ay yihiin kuwa iskood u furmay sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in halkaasi ay ku gubteen ugu yaraan 30 gaari.

Iridda Hore ee Madaxtooyadda ayaa waxaa ku yaalla waddo ay maraan dadweynaha , waxaana la sheegay xilliga uu Qaraxu ka dhacayay in ay saaid Mashquul u aheyd.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaana socda gurmadka dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxa oo loo daabulaayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Dalka Afghanistan ayaa waxaa ka dhaco qaraxyo nuucaan oo kale ah kaasoo ay ka dambeeyaan ururada argagaxisada ah ee ku sugan dalkaas.

Nin boolis ah oo dadka tusinaya firirka qaraxii ka dhacay irida Madaxtooyada Afghanistan