Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dableydii afduubka ugu haysatay markabka xamuulka xeebaha degmada Caluula ee Puntland ay siidaayeen markabkii iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa.
Markabka ayaa la siidaayey caawa saacadu markii ay ahayd 10-kii fiidnimo, waxaana la sheegay in uu si nabad ah uga ambabaxay deegaankii lagu haystay.

lama sheegin sii daynta markabkaas waxa soo dadajiyay ayadoo maanatana halkaas uu dagaal ku dhex maray dablayda markabka haysatay iyo ciidanka badda puntland.

waxii faah faahin ah dib ayaan idinkala socodsiin doonaa