DEG DEG: Madaxweyne Trump oo Qudus u aqoonsaday Caasimada Israa’iil

Madaxweynaha dalka Mareekanka Donald Trump ayaa isagoo hadal ka jeedinayay aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu mareykanku faraha kala baxay sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Hadalkan kasoo yeeray Trump ayaa u muuqda mid ka careysiin doono wadamo badan oo Islaam ah  inkastoo Madaxweynaha dalka Turkiga Erdugan uu ku baaqay in Madaxda Islaamku ay kulan deg deg ah isagu yimaadaan haddi uu Madaxweynaha Mareykanku ku dhawaaqo hadalkaas.